Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Federaalka, Maxamed Faarax Nuux, ayaa caawa si kulul uga jawaabay eedeymo waaweyn oo kaga yimid shaqaalihii agaasime-waaxeedyada ahaa ee dhowaan shaqada laga ceyriyay. Wasiirku waxa uu ku andacooday in shaqaalahaasi lagu arkay musuqmaasuq ay ka mid tahay iibinta taarikada iyo liisamada dowladda ee suuqa madow.
Shaqaalihii la eryay ayaa dhankooda sheegay in eedeymahaasi yihiin been abuur lagu sumcad dilayo shaqaalaha sida sharci darrada ah loo eryay, falcelintiisu tahay mid uu uga dhuumanayo su’aalaha uga imaanaya tallabadda sharci darrada ah ee uu u maray shaqa ka qaadista,
Si kastaba, hadalka wasiirka iyo ficilladiisa ayaa noqday kuwo is khilaafaya. Wasiirku waxa uu sheegay inuu weerar ka soo gaaray baraha bulshada, halka laga filayay inuu qaado talaabooyin sharci ah: shaqo-joojin rasmi ah, baaritaan madax-bannaan, maxkamad la horkeeno shaqaalaha uu eedeeyay, kadibna haddii dambi cadaado la ciqaabo. Habraac dawladnimo oo sax ah lama marin.
Waxaa intaa dheer in wasiirku markii uu shaqo ka joojiyay agaasime-waaxeedyada, halkii habraacii awood-qaybsiga loo raaci lahaa, uu bedelkooda ku soo xushay siddeed qof oo dhamaantood ka soo jeeda beeshiisa. Arrintan ayaa horseeday cadaadis uga yimid xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo u arka tallaabada mid khilaafsan awood-qaybsiga shaqaalaha dowladda.
Gudiga Shaqaalaha, Baarlamaanka iyo hay’adaha xeer-ilaalinta ayaa tallaabada wasiirka ku tilmaamay sharci-darro cad, iyagoo sheegay in difaacyo lagu baahiyo baraha bulshada aysan waxba ka bedeli karin khaladka dhacay.
Muranka xooggan ee ka dhashay shaqaale-qorista iyo qandaraas-qaybsiga ayaa gaaray madaxda ugu sarreysa dalka, taas oo muujinaysa heerka musuq ee ka jira gudaha xukuumadda Dan Qaran ee uu hogaamiyo RW Hamza Barre, Wasiiradii ayaa lagu eedeeyay inay raadinayaan dano gaar ah, isla markaana isticmaalaan shaqaale-qaadasho aan sharci ahayn si ay u helaan faa’iidooyin yar-yar oo ka yimaada mushaaraadka iyo qandaraasyada dowladda. Arrintan waxay caddeyneysaa nidaam dowladeed oo aan hufnayn oo ku tiirsan eex iyo dano shaqsiyeed.
Qoraallada habeenkii wasiirku usoo dhiibayo dhalinyarada baraha bulshada wa-ku faafiya ma bedeli karaan su’aalaha culus ee weli dul hoganaya tallabaadii uu qaaday,
maxaa loo maray dariiq aan sharci ahayn, yaase ka faa’iidaya xil ka qaadista ku timid hab aan hufnayn?