April 7, 2026

Wasiirka qorshaynta iyo maalgashiga Galmudug ayaa la kulmay safiirka Turkiya ee

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug, Mudane Abdirahman Ahmed Haile, ayaa booqasho muhiim ah ku tagay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho, halkaas oo ay kulan miro-dhal ah kula yeeshay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktas, Madaxa Arrimaha Ganacsiga iyo Xoghaya Dhaqaalaha ee safaaradda.

Kulanka uu wasirka ku wehliyay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Caalamiga, Mudane Liban Mahad Abdullahi,ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan Taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Turkiga u fidiyaan Soomaaliya, si gaar ah Galmudug, Kaalinta muhiimka ah ee shirkadaha Turkiga uga qeyb qaadanayaan dhismaha Dekedda Hobyo iyo Dardar gelinta iskaashiga maalgashi iyo horumarinta warshadaha yaryar iyo kuwa dhexe.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga doorka muuqda ee ay ku leedahay kobcinta horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashi dhab ah oo wax ku ool ah.

xigasho Galmudug