April 6, 2026

Wiil Dhalinyaro ah oo Walaashiis Mindi Dhowr Jeer Ku Dhuftay Muqdisho,AQRISO

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka maqaayadda “Cayni” ee ku taalla Degmada Daarusalaam, Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah uu si xun mindi ugu dhaawacay walaashiis, xilli ay ku sugnaayeen goob dadweyne.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in wiilkaasi dhowr jeer mindi kaga dhuftay walaashiis meelo halis ah oo ay ka mid yihiin kilida, dhabarka iyo wajiga, taasoo sababtay dhaawacyo culus.

Dhaawaca Gabadha , sida ka Muqata Muuqaallo laga duubay goobta falka ayaa muujinaya gabadha oo xaalad adag ku jirta, iyadoo dhiig baxaya. Dadka deegaanka ayaa si degdeg ah u qaaday xarumaha caafimaadka magaalada, halkaas oo hadda lagu daawaynayo.

Sababta Falkan, Illaa hadda lama oga sababta dhabta ah ee keentay weerarka, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha amniga ama ehelada labada dhinac. Si kastaba, ilo deegaanka ah ayaa sheegay in uu jiray murun qoys oo horay u dhex maray labada walaalo, inkasta oo aan la xaqiijin.

Eedeysane Baxsad Ah, Wiilka falka geystay ayaa la sheegay inuu ka baxsaday goobta, isla markiiba kadib markii uu falka fuliyay. Hasse yeeshee laamaha amniga ayaa gacanta ku dhigay isagoo sii dhuumaaleysanaya,

Allah caafiyo gabadhan soomaaliyeed ee la dhaawacay