April 7, 2026

Wiil uu dhalay agaasime Puntland ayaa lagu diray Turkiya

Deg Deg

Laamaha amniga dalka Turkiga ayaa maanta xabsiga dhigay Maxamed jafaan samatar ah wiilka uu dhalay Agaasimaha guud ee waasaaradda Dekeddaha Puntland,

Xariga loo geestay ninka dhalinyarada ayaa ka dhacay magaalada istanbuul, waxana la rumeysan yahay in uu daba socdo kiiska markabka Hubka sidey Sea World ee dhowaan maamulka Puntland ka qabaadeen xeebaha Bari,

Maxamed jafaan samatar waxa uu kamid yahay dhalinyarada aqoonyahanka soomaaliyeed ee wax ku baratay dalka Turkiga , sidoo kalena tobankii sano ee lasoo dhaafay kunolaa dalkaasi, isagoona jamacada heerarka Bachelor iyo Master ku diyaariyay dalka Turkiga oo uu luuqadiisa sifiican ugu hadlo,

Sirdoonka dalka Turkiga ee howlgalkan fuliyay ayaa lagu soo waramaya iney xogta wiilka agaasimaha looga soo direy magaalada muqdisho, iyadoo lagu tuhunmayo arinkan ka dambeeyaan saraakiil sare ka tirsan faderaalka soomaaliya kana soo jeeda deeganada Puntland, waxana loo arkaa meel laga xanuunji karo siyaasiinta Puntland ee qoysaskooda geestey dalka Turkiya,

Waxaa ayaan darro ah, maxamed oo aqoonyahan soomaaliyeed soona noqdey tarjumankii afka turkiga madaxweynahii hore soomaaliya Farmaajo, lana shaqeeyay wasaarada arimaha dibadda soomaaliya in loo xirto khilaaf siyaasadeed u dhexeeya dowlad goboleed Puntland iyo faderaalka soomaaliya,

Maxay kula tahay qof muwaadin soomaali ah Turkiga ku afduubto dalkiisa?

Oktoober24