“Aniga runtii C/qaadir Yaxye role model ayuu ii ahaa”
~Madaxwayne Xasan Sheekh.
“Waxay ii tahay sharaf iyo xurmo wayn in aan caawa ka soo qaybgalo xuska saaxiibkay, walaalkay, madaxaygii madaxda ii ahaa Cabdiqaadir Yaxye Cali.
Cabdiqaadir waxbadan ayaan aqiinay laakiin waxaan rabaa, een kuma soo koobi karo toban daqiiqo iyo shan toban daqiiqo laakiin waxaan rabaa inta ugu muhiimsan ee ugu dambaysay inaan ka soo bilaabo.
C/qaadir magaaladan Muqdisho ayaan ku wada nooleyn isaga oo shaqooyin aad u kala duwan hayey waqtigii burburka iyo ka horba laakiin muddo dheer anigoonan is arag iska warqabin oo burburkii lagu kala dhumay ayaa waxaa dib isugu kulannay 2001-dii.
Anigoo maalin maalmaha ka mid ah jooga Machadka SIMAD oo markaa billaw ahaa ayaa xarunta machadka waxaa iigu yimid asaga iyo Axmed Cabdisalaan. C/qaadir anigoo ka fillayn inaan meesha ku arko, waxaan subaxdaas kulanay oo meesha ku arkay Jibriil Ibraahim Cabdulle waan xasuustaa waan sheekaysanay, xarunta CRD oo markaa cusbayd ayaa ay igala hadleen iyo waxa laga rabay. Inaan la shaqeeyo ayay iga codsadeen waan u sheegay in aan ahay asaasihii machadkaas kana shaqeeyo, noo kala qaybi anaga iyo machadkaba laba shaqo oo ummadda loo qabanayo waaye ayay i dhaheen.
Adiga waan isla afgaranay inaan Hay’adda CRDS ka shaqeeyo (as a researcher) cilmibaare. Seddex theme ama mawduuc oo waawayn ayaa xarunta cilmibaarista xilligaas billawday: dib u dhiska siyaasadda Soomaaliya, dib u dhiska dhaqaalaha iyo dib u dhiska arrimaha bulshada.
In laga sameeyo cilmibaaris, wixii dhacay taariikhdii hore iyo burburkii ka bacdina recommendations laga sameeyo iyo sida looga bixi karo.
2002-dii aakhirkeeda markii shirkii Embagathi bilawday 2003-da, C/qaadir iyo aniga waxaan aad uga shaqaynay iyo Jibriil dabcan shirkii Embaghati Eldoret intii la joogay dadka inaan waxyigalino oo siyaasadda Soomaaliya iyo mashaakilaadka ka jiro dadka u soo bandhigno, sidoo kale wixii cilmibaaris ah iyo xog aruurin aan soo samaynay iyo dadka in aan ku baraarujino waxa Soomaaliya manta u baahan tahay .
Documentaris oo xarunta samaysay ayaa soo bandhignay, doodo ayaa ka furnay, dadkii shirka maamulayay qaybo ka mid ah ayaa nagu dhibsaday amuurahaas, ayadoo marmarka qaarkood dadka Soomaalida shirka joogay intay emotional noqdaan ooyaan oo ay aad iyo aad u qiiroonayeen.
Nimankaan shirka ajendahiisa inay naga leexiyaan ama wax kale inay ka soo saaraan ayaa laga yaabaa ayaa la yiri, anaguna dadka waxaan ku cadaadinaynay inay dagdagna u heshiiyaan, heshiis macno lehna ay heshiiyaan oo ummadda ay sugayso. Waad garanaysaan shirkaasi muddo laba sano ayuu socday markii dambe inaan meesha ka tagno ayaa naloo sheegay waa ka soo tagnay.
Waan soo noqonay sidii ayaa hawlaheena caadiga ahaa u wadanay ee xarunta cilmibaarista iyo wadatashiga CRD .
C/qaadir marka Ilaahay ha u naxariistee waxaan billawnay Soomaaliya iyo siyaasadeeda maxaa ka qaldan cilmibaarisyadii aan samaynaynay maxaa ka soo baxay, kadibna wixii baa doodo ka samaynay.
Waxaan qaadanay oo noosoo baxay hadii aan siyaasadda la fix garayn oo aan la dajinin waxyaabaha kale oo dhan amniga, cadaalada iyo garsoorka iyo dhaqaalaha waxaas oo dhan inaan waxba laga qaban Karin, siyaasaddu ay tahay waxaas waxa xalka u ah.
Sidaas daraadeed doodo dhexdeena ah u furnay, waxyaabaha uu C/qaadir aad u dhihi jirey waxaa ka mid ah hadii dadka fiic fiican aanay siyaasadda soo galin xal lama helaayo. Anaga iyo dadka aan ka mid nahay waa inaan siyaasadda galnaa .
Aniga runtii C/qaadir role model ayuu ii ahaa, qofka aad iyo aad iigu dhiirigaliyay siyaasadda inaan galo oo aan ka shaqeeyo ayuu ahaa. Dabcan markaas inaan wada galno ayaan ku ballansaneen.
Nasiibdarro dawladii C/aahi Yuusuf markii la asaasay oo Embaghathi lagu soo heshiiyay hadaa xasuusataan Ilaahay ha u naxariistee madaxwayne C/laahi Yuusuf waa kii yiri 20 kun ciiidan Itoobiyaan ah ayaan rabaa. African Union dadka ay la tashteen ayuu (C/qaadir Yaxye ka mid ahaa) ayadoo la wada maqlayo oo la wada joogo ayuu yiri waa qalad ciidamo Itoobiyaan ah Soomaaliya ma xallin karaan, Itoobiyana Soomaaliya dawlad uma dhisi karto.
Aad ayaa c/qaadir hadalkiisa looga carooday ilaa la dareemo nafsadiisa inay qatar ku jirto oo si qarsoodi ah Adiis Abba looga bixiay oo Jabuuti loo geeyay.
Nasiibdarro ayadoo amuuraha meelahaas marayaan ayaa C/qaadir la dilay. Markaas CRD waxaan ka noqday Research Cordinator”
Hadalkaas kore waxaa yiri madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo kalmad ka jeediyay xuska nabadoonkii waynaa C/qaadir Yaxye Sheekh Cali xus ay u qabatay Xarunta Dhaqanka iyo Suugaanta Faarax Shuuriye sanadkii 2021.
W/Q Sakariye Cabdixaliim