April 7, 2026

Xil ka qaadis masuuliyiin sare iyo magacaabis ayaa khamiista la….

Warar ka ka imaanaya xafiiska Raisul wasaaraha xakuumada faderaalka Soomaaliya mudane Hamza Barre ayaa sheegaya in maalinka khamiista isbedelo waa waayn laga sameyn doono hogaanka sare talisyada booliiska iyo hay,adaha Muhiimka u ah dowlada Soomaaliya,

illo ka agdhow xafiiska Raisul wasaaraha ayaa inoo sheegey in xakuumada sameyn doonto isebedel sadexda bisha julay, kaasoo lagu bedeli doono taliyaha ciidanka Booliska faderaalka soomaaliya Janaraal Asad Diyaano, sidoo kalena Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi ayaa isagana ah masuuliyiinta xilka laga qaadi doono kulanka ugu soo horeeyo xakuumada yeelaneyso,

Agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya Mustaf Dhuxulow ayay xogtu sheegeysaa in uu kamid yahay masuuliyiinta isbedelka la filayo saameyn doono,iyadoo wararka qaar sheegeyaan in goor hore warqadiisa shaqa kaqaadis la qoray,

Isbedelkan ayaa lagu magacaabi doonaa masuuliiyiin hore dowlada soomaaliya uga tirsanaa iyo kuwa hada jooga xafiisyo kala duwan ayaa ah:

-Wasiir kuxigeenka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawa xakuumada faderaalka horena usoo noqday Taliyaha booliska soomaaliya ayaa lagu celinaya booskiisii hore oo uu hada fadhiyo janaraal Asad Diyaano,

-Taliyahii hore Saldhiga Boosliska Garoonka adden adde col. Abdifataax Bashiir Mire isagana dhowaan laga qadaay xilkaas ayaa la filayaa in uu noqdo Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Banaadir oo uu in mudo ah soo maamulayay Taliye Macalin Mahdi,

-Sargaal sare,Ciise Cali Dheere oo ah saraakiishii ugu horeysay ee lagu furay Hay’addan socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya waxbadana kasoo qabtay dhanka tayeynta iyo daabacaada Baasaboorka soomaaliga ayaa la filayaa in uu noqodo shaqsiga lagu bedeli doona Agaasime Mustaf Dhuxulow,

Isedebaladan kor kusoo xusney ayaa dhamaantood lagu sheegey iney yihiin isbedelo ku imaanaya arimo siyaasadeed maadaama xaalada siyaasada dalka ku kacsan tahay ,doorashooyinka heer faderaalka iyo dowlad goboleed la filaayo dhowaan ka dhacaan dalka,

Mursal Xaaji

Oktoober24