Rajada Aadan Madoobe ee Hoggaanka Baarlamaanka Bariga Afrika oo Wajahaysa Caqabad Sharci
Xildhibaan Abiib, oo hore looga xayuubiyay xasaanadda baarlamaanka, ayaa dacwad rasmi ah ku soo oogay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Xildhibaanku wuxuu ku eedeeyay guddoomiyaha musuqmaasuq, eex iyo faragelin siyaasadeed, isagoo sheegay in si sharci-darro ah loo duudsiyay xuquuqdiisa siyaasadeed iyo matalaadda deegaankiisa.
Dacwaddan ayaa Xildhibaan Abiib u gudbiyay Maxkamadda Sare ee Cadaaladda Bariga Afrika 11-kii bishan December, waxaana la sugayaa waqtiga rasmiga ah ee maxkamaddu u yeeri doonto Guddoomiye Aadan Madoobe. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in guddoomiyuhu uu raadinayo qareenno caalami ah si uu isaga difaaco eedeymaha loo jeediyay.
Dhanka kale, Maxkamadda Cadaaladda Bariga Afrika ayaa dhowaan hakisay sagaal xubnood oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u soo xushay inay ku matalaan Baarlamaanka Bariga Afrika. Go’aankan ayaa yimid kaddib cabasho ay gudbiyeen qaar ka mid ah musharraxiintii u tartamaysay kuraastaas, kuwaas oo sheegay in musuqmaasuq iyo cadaalad-darro looga reebay tartanka.
Maxkamaddu waxay joojisay ansixinta xubnahaas, halka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay codsatay in dib loo dhigo qaadista dacwadda. Arrintan ayaa loo fasiray in dowladdu doonayso in marka hore Guddoomiye Aadan Madoobe lagu taageero kursiga Afhayeenka Baarlamaanka Bariga Afrika, kaddibna la ansixiyo xubnaha muranka ka taagan yahay si ay ugu biiraan golahaas.
Isqabqabsigan ayaa u muuqda loollan siyaasadeed oo heer gobol ah, kaas oo ay siyaasiyiinta Soomaaliyeed ku doonayaan inay ku hantaan hoggaaminta hay’adaha Midowga Dalalka Bariga Afrika. Si kastaba ha ahaatee, dacwadda uu gudbiyay Xildhibaan Abiib ayaa la rumeysan yahay inay saameyn weyn ku yeelan karto rajada Guddoomiye Aadan Madoobe ee ah inuu ku guuleysto kursiga Afhayeenka Baarlamaanka Bariga Afrika, oo xilligan loo qoondeeyay inay Soomaaliya qabato.