Xildhibaan Yaasiin Fareey ayaa gaaray magaalada Nairobi dalka Kenya, kadib markii diyaarada Maandeeq Air shalay galabahii kas qaaday garoonka diyaaradaha Aaden Adde Airport Muqdisho,
Ilo xog ogaal ayaa inoo xaqiijiyay in xildhibaanka diyaaraada Maandeeq ka raacay garoonka Muqdisho iyadoo lagu keenay gawaari qaaska ah ee villa soomaaliya iyo ciidamada koofiya casta madaxtooyada Soomaaliya oo geeyay diyaarada hoosteeda kuna hubsaday,
Kadib dhacdadii shalay magaalada muqdisho ee Xildhibaan yasiin iyo ciidamo uu hogaaminayo ku qabsadeen suuqa siinaay iyagoo hubeysan hubka culus iyo kan fudud ayaa isaga baxay goobta, kadib markii madaxweynaha soomaaliya Mudane xasan Sheekh uu soo dhex galay arinkan oo booliiska soomaaliya tallaaba ka qaadi lahaayeen daqiiqado kadib, hasse yeeshee taliyaha ugu sareeya dalka mw xasan amarka laga sugayay ayay codsaday waan waan iyo wadahadal,
Warar xog ogaala ayaana intaa ku daraya in madaxwyanaha dalka si toosa ula xaajooday Xildhibaan yaasiin fareey isagoona yiri “ Igaarkeygiyoow ha i ceebeen waxaa doontaa ku siinayaa ee ciidanka kabixi siinaay “ -mw xasan sheekh
Macalin mahdi oo uu madaxweynaha soo wakiishay ayaa la sheegey in uu u tegay xildhibaan yasiin fareey kaasoo geeyay villa soomaaliya, Markii dambena laga soo qaaday iyadoo toos diyaarad looga saaray aden adde airport, isla shalana Magaalada Nairobi ayuu gaaray xildhibaanka,
Dad badan ayaa su’aalo ka keenay falkii ciidamo urursi ee Xildhibaan yasiin ku kacay shalay, kuwaasoo isku deyay ka dagalaamaan ciidamada dowlada oo howlgal burburin dhulka dowlada kawaday suuqa siinaay, waxa ayna lahaayeen,
-Dowladu maxay weerar ugu qaadi weydey ciidamada galay siinaay waxba kama duwana ciidankii janaraal sheegoow ee awooda dowlada loo sheegtay ilaa markii dambena maxkamad lasoo saaray isagoona ugu dambeen xabsiga dhexdiisa ku geerigooday janaraal sheegoow aun,
Xildhibaan ka beesha madaxwyanaha oo aan hal xabad lagu ridin, xasaanadna laga qaadin madaxwyanaha ayuu la kulmay kadibna toos ayaa loo saaray diyaaradiyadoo villa soomaaliya galbineyso, magaalada Nairobi ayuu xalay ka casheeyay,
Dowlada faderaalka xujo adag ayaa hortaala oo ah iney soo qabato xildhibaanka, in xasaanada laga qaado in maxkamad lasoo taago, hadii taas la waayay waxa ay ceeb ku noqon doontaa madaxweynaha iyo xildhibaanada oo tallaaba hore uga qaaday xildhibaan Abiid iyo janaraal Sheegoow oo aan ognahay sida loola dhaqmay,
Maxay kula tahay?
https://www.okt24.com