April 6, 2026

Xildhibaanka Sadaq Abdullahi oo ku eedeeyay Garsoorka Dalka Cadaalad-Darro

 

Muqdisho – Xildhibaan Sadaq Abdullahi ayaa si kulul u weeraray hay’adaha garsoorka dalka, isaga oo sheegay in Xeer-ilaalinta Qaranka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Garyaqaan Shuute, aysan u shaqeyn si waafaqsan sharciga iyo cadaaladda loogu baahan yahay.

Hadalkiisa ayaa yimid kaddib dooddii Baarlamaanka ee ku saabsan miisaaniyadda sanadlaha ah, taas oo Senatar Xaaji Muuse Suudi uu u weeciyay arrimo ku saabsan deegaannada uu matalo iyo cadaalad-darrada ka jirta Muqdisho.

Markii su’aalo laga weydiiyay arrimo la xiriira cadaaladda, colaaddii Wanla Weyn, iyo sida dadka deegaannadu isu arkaan, Xildhibaan Sadaq wuxuu ku jawaabay:

  • “Cadaalad ma jirto,”
  • “Dadka deegaannada waa kala leeyihiin,” taasoo uu sheegay inay sabab u tahay fashilka nidaamka garsoorka.

Xildhibaanku wuxuu tilmaamay in maxkamadaha qaarkood ay u muuqdaan kuwo ka shaqeeya dano gaar ah, halkii ay u shaqeyn lahaayeen shacab oo dhan u siman.

Eedeymaha Xildhibaanka ayaa imaanaya xilli shacabka iyo siyaasiyiinta qaarkood ay cabasho ka muujiyeen:

  • Faragelinta siyaasadeed ee garsoorka,
  • Habka loo qaado dacwadaha,
  • Iyo hoos u dhaca kalsoonida hay’adaha caddaaladda.

OKTOOBER24 waxay ku howlnaan doontaa baaritaan dheeri ah oo ku saabsan xaaladda garsoorka, eedeymaha la soo jeediyay, iyo sida ay u saameeyeen bulshada.