Kulan is’xog wareysi ayaa Hotel Afrik ku dhex maray Madaxda sare ee Xisbiga Xaqsoor iyo Warbaahinta madaxabanaan ee dalka, ku dhowaad labaatan agaasime kala matalaya warbaahinta muqdisho ka howlgasha ayaa kulankan kasoo qayb galay, waxana su’aalo kala duwan lagu weydiiyay hogaanka xisbiga,
Agaasimeyaasha warbaahinta gudaha ee kasoo qayb galay kulankan qadasho sharafta ah ayaa aad usoo dhoweeyay aragtida iyo ajandaha Xisbiga Xaqsoor iyo bahda aqoonyahanka soomaaliyeed ee hormuudka ka ah xisbigan,
“adinka oo ah aqoonyahankii, cilmi-baarayaashii dalka ee tilmaami jirey xalka dalka kollka ay xaajadu cakirantahay, maanta waa guul iyo farxad hadaad isu soo taagteen aqoontiina ku hogaamisaan dalka “ayuu yiri mid kamida agaasime yaasha warbaahinta ugu afka dheer gudaha,
Afhayeen u hadlay Xisbiga xaqsoor ayaa sheegay in xisbiga asbuuca soo socodo muqdisho ku galayo shir 3 maalmood soconayo (sabti-ilaa- isniin) iyadoo maalinka talaada soo socata ee 15 july muqdisho kuqabanayaan munaasabada shirweynaha xisbiga iyagoona halkaa kusoo bandhigaya ajandahiisa doorashada 2026-ka,
Oktoober