Muqdisho – Xisbiga XAQSOOR ayaa maanta si rasmi ah ugu qabtay xaruntiisa dhexe ee magaalada Muqdisho kalfadhigii koowaad tan iyo aasaaska rasmiga ah ee xisbiga, waxaana goobta ka dhacay kulan muhiim u ahaa jihaynta iyo qorsheynta mustaqbalka xisbiga.
Kalfadhigan oo ay ka soo qeyb-galeen xubnaha golaha dhexe, siyaasiyiin, aqoonyahanno ayaa diiradda lagu saaray waxyaabihii u qabsoomay xisbiga afartii bilood ee ugu horreysay, tan iyo markii la dhisay, iyo sidoo kale qorshaha afarta bilood ee ugu horreeya sanadka soo socda.
Guddoomiyaha Golaha Dhexe, Prof. Abdi Axmed Baato, ayaa warbixin dhamaystiran ka bixiyay waxqabadka xisbiga iyo heerka uu maanta taagan yahay. Wuxuu sheegay in kulanku uu ahaa mid lagu lafaguray halka uu xisbiga marayo, caqabadaha jira iyo sida looga gudbi karo si loo xoojiyo doorka XAQSOOR ee siyaasadda dalka.
Prof. Baato wuxuu carrabka ku adkeeyay in kalfadhiga lagu dejiyay qorshayaal muhiim ah, kuwaas oo xisbiga u horseedi doona horumar, koboc iyo kaalin muuqata oo uu ku yeesho nidaamka dimuqraadiyadda iyo dhismaha dowladnimo tayo leh.
Xisbiga XAQSOOR oo ka mid ah xisbiyada rasmiga ah ee dalka ka diiwaangashan ayaa caan ku ah inuu leeyahay shuruuc, xeerar iyo qaab-dhismeed dhameystiran, taasoo ka dhigaysa mid ka duwan qaar badan oo ka mid ah ururrada kale ee siyaasadeed. Xisbiga waxaa ku mideysan aqoonyahanno iyo siyaasiin waayo-arag ah oo leh khibrad dheer iyo aragti mustaqbal oo cad.
Kulankan maanta qabsoomay ayaa u muujinaya in XAQSOOR uu si dhab ah u gudo-galay hawlihii siyaasadeed ee loogu talagalay, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu door muuqda ka qaato siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan xilli dalka uu wajahayo marxalado cusub oo u baahan hoggaan aqoon iyo qorshe leh.
Kalfadhiga ayaa lagu soo gabagabeeyay jawi isfaham, isku duubni iyo rajo wanaagsan u horseedi karta xisbiga guulo waaweyn oo siyaasadeed mustaqbalka dhow.