April 7, 2026

XOG CUSUB: Hay,adda Socdaalka & Jinsiyadaha soomaaliya ayaa xaraasheysa hub Cusub.

XOG CUSUB, hub Xaraash ah (HSJ)

Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya ayaa Xaraasheysa bastoolado cusub loo soo qaaday saraakiisha cusub ee hay’adda iyadoo kuwii horena suuqyada muqdisho galeen,

Dhowaan ayay aheyd marka uu agaasimaha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha soomaaliya Mustaf Dhuxuloow wasaarada Gaashaandhiga ka dalbaday Bastoolado isku ilaaliyaan saraakiisha cusub ee hay’adda oo u badan dhalinyaro ka cabsi qabta in argagixisadu beegsadaan,

Wasiirka Gaashaandhiga Ahmed Macalin Fiqi ayaa asbuucan soo fasaxay hub isugu jira rasaas iyo bastoolado tiradooda lagu sheegay 500 xabo, kuwaasoo wasaaradu ku qortay magacayada saraakiisha loo dalbay iney isku ilaaliyaan,

Xoga hoose ee Warbaahinta OKTOOBER heshay ayaan ku xaqiijinay in agaasimaha hay’adda gacanta ku dhigey ku dhowaad 500 Bastoolado cusub iyo rasaastooda, 7 sargaal kamida hay’adda ayaa nasiib u yeeshey in lagu wareejiyo hubka magacooda lagu soo qaaday, inta kalena suuqa xaraashka hubka iyo mqaayadaha ayaa la geeyay,

Sargaal kamida hay’adda socdaal ayaa ii xaqiijiyay dhamaan hubkii magaca hay’adda lagu soo qaaday in la geeyay guri gaar u ah agaasimaha hay,adda iyadoo maqaayadaha Muqdisho xabad xabad qiima jaban loogu kala iibsanayo,

Qiimaha bastooladahan cusub ee dowladu leedahay ayaa lagu xaraashayaa hada 1500 doolar iyadoo 100 cash ah dadka qaar looga iibiyay, sigaarana agaasimaha dadka ka agdhow iyo qaraabqdiisa 700-500 dollar ayaa laga siinaya bastooladahan iyadoo rasaastu bilaash tahay,

Mudooyinkan hubka suuqyada muqdisho qaali ayuu ahaa sababtuna waa dowlada oo xakameysey hubka baqaarada dowlada ku jira, iyadoo yaraatay in askartu la goostaan hubka dowlada, hadase suuqa waxa soo galaya hub laga xaraashaay saraakiishii hore ee hay’adaha laga eryay iyo kuwa cusub magacooda hub lagu soo qaaday balse toos suuqa loo geeyay,

Baskooladahan qiimaha jaban lagu xaraashayo xaafadaha muqdisho, suuqayada hubka muqdisho waxa ay ka jooga qiimo 2000, – 2500 Dollar, hasse yeeshee waxa ay u muuqata xaraashkan hubka dowlada in agaasimaha uu doonayo lacag urursi deg deg ah inta xilka hay’adda laga wareejin,

DIGNIIN,
Hay,dda socdaalka laba jeer kaban hubkii loogu talagalay ayay qaadatay mudo 2 sano ah, inta badan hubkan kuma dhicin gacanta saraakiisha magacooda ku qora, wasaarada gaashaandhigana wax su’aal ah kama keenin hub xadistan,

Arinkan qatar amni culus ayay keeni kartaa, dilal qorsheesna waa soo laaban karaan, waxana macquul ah sargaal maskiin ah HSJ katirsan in loo soo xiro bistoolad magaciisa lagu qaatay isagoon ogeen, Dowlada soomaaliya arinkaan haka hortago, Sidoo kalana wasiirka gaashaandhiga arinkaan hadaanu ogeyn ha baaro hana soo celiyo hubkan la xaraashayo,

 

khadafi

WwwOktoober24.com