April 7, 2026

Yaabooh xilka laba xayuubiyay iyo shirar ka wado Nairobi

­Tooshka Oktoober.

Dr. Yabooh oo Nairobi ku kulmay raisul wasaare Hamza Walalalkiis iyo Nabadoonka beeshiisa ayaa ka dacwooday Raisul wasaare Hamza Barre oo ku sheegey, nin weerar ku ah kursigiisa, isagoona sheegey in uu Hamza wato nin sacad ah oo uu kasoo saxiixay madaxweyene xasan sheekh,

Markale Yabooh magaalada Muqdisho ayuu ku shiriyay, odayaasha Beesha Saleeban iyo Ceyr waxa uuna u sheegey in Hamza wato nin isaga jeebkiisa ku jira oo beesha sacad ah, taasina ceeb ku tahay beesha iyo sharafkeeda, Waxana uu soo jeediyay yaboob oo boor isku qarinaya “ inta ninkaa Hamza wato kursigan HG la siin lahaa in la siiyo nin cayr ah beeshu ku kalsoon tahay “

Sidoo kale Mr Yabooh oo aan laba habeen seexan waxa uu khatka telfoonka kala hadlay Madaxweyene Qoorqoor isagoona ku cabaaday kalmado kamid tahay “ war iga celi ninka Ogaadeen “ maxaa kursi habargidir ka galay,- sidey inoo xaqiijiyen saraakiil katirsan madaxtooyada Galmudug,

isku soo wada duub Gudoomiye Yabooh oo aad uga baqayo malaga shaqa la’aanta ayaa diidan in uu dhadhamiyo neecawda Baagamuundo iyo salaan la’aanta bulshada kasoo wajahi doonta khamiista kadib,

Gebagebo, madaxweynaha soomaaliya mudane Xasan warqada waa uu saxiixay isagoo kala hishiiyey Raisul wasaare Hamza, Gudoomiye Muungaab gacanta ayuu ku hayaa warqadaha eryis iyo Magacabid,

Hala sabro wiil Saleebaan ah waxba ma dheera wiil kaloo Sacad saciid ah, Cayroow dhex raaca joojiya adinkana

Oktoober24