April 7, 2026

Yuu cali ayaa loo magacaabay xulka kubada Caga Qarankeena,

Magacaabistii ugu macquulsaneed abid qof soomaaliya masuuliyad loogu dhiibo xulka qaranka soomaaliya ayay noqonqysaa magacaabidan macalin Yusuf Ali Nuur Yuuali lagu soo xushay,

Hambalyo kaliya maahane mahadsanidiin ayaan leenahay cid kasta oo qayb ka qaadatay xulashadan quruxda badan ee loogu daneeyay cayaartooyda qaranka soomaaliya iyo mucaashaqiinta kubada cagta,

Tababare xirfad sare leh, kabtan hore xulka qaran iyo Naadiga FC Elman, mid kamida laacibiintii iftiinka u daaray sporska soomaaliya Tababare Yuu Cali soo dhowoow khibradaada maalinkii loogu baahi badnaa ayaa laguu yeeray, bandhig wacan iyo tayo sare ayaanu kaa rajeeneynaa markastana garabkaaga ayaanu nahay,

Aragtideyda Xulashadan waa mid ku timid guuxa dadwaynaha sababtoo guuldarooyinkii xulka qaranka soo wajahay dhowrkii sano ee u dambeeyay shacabku waxay lahaayeen guuldarada waa khibradyarida tababaraha iyagoona soo jeedinyay ama farta ku fiiqayay macalin yuu ayaa dhaama hala keeno,

Waa xulasho aan qof soomaaliya kahor imaan!

Adiga maxay kula tahay,

Xulka qaranka ha guuleesto,
WQ Oktoober