Waxaa maydkiisa laga helay wabiga Neckar ee dalka jarmalka wiil somaliyeed oo lagu magacaabi jiray Abdirashiid Ahmed Mahamed, oo ahaa 26 jir ah kuna noolaa magaalada Stuttgart. Sida laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay, marxuumka waxaa la waayay maalmo kahor, waxaana la sheegay inuu dhowr maalmood ku jiray biyaha wabiga kahor inta aan maydkiisa la helin.
Inkasta oo faahfaahinta rasmiga ah ee geeridiisa aan wali dawladu shaacin, haddana dad u dhow oo aqoon u lahaa marxuumka ayaa sheegay in marxuum ka markii la waayey dawladu heshay maydkiisa iyadoo aan cid loo hayo falkaas ilaa hadda jirin
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in maydka marxuumka la gubay, xilli aan wali si rasmi ah loo ogaanin xaaladda dhabta ah ee geerida.iyadoo somalidu ogaatay xili maydkii la gubay
Ehelka marxuumka weli si buuxda looma gaarsiin dhammaan xogta la xiriirta dhacdada, hase yeeshee saaxiibo u dhow oo kula noola Abdirashiid Stuttgart ayaa xaqiijiyay warkan.
Bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan Jarmalka, gaar ahaan Stuttgart, ayaa si weyn uga naxday warkan, iyadoo loo baahan yahay in si dhab ah loo baaro geerida marxuumka, loogana jawaabo su’aalaha weli yaalla.
Alle ha u naxariisto Abdirashiid Ahmed Mahamed. Samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo waalidkiisa, ehelkiisa iyo asxaabtiisa
Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Xigasho Aljazeera new Somali