Soomaalida dalka jooga siyaasadda Mareykanka waa ku wareersan yihiin. Wax kasta sida xamar looga dhaqmo ayey ku qiimeeyaan. Bal aan kala faa’iidno.

– City council xildhibaan ma ahan . City council siyaasad national level ah ma dajiyo. Nadaafadda iyo issues yaryar ee magaalada ayuu wax ka qabtaa. War yaanan Idinku daalinine; waa laba jid adiga oo madax ka ah oo kale !
– Mayorradu awood badan ma lahan . Qof ma ay hire gareyn karaan , mushaar ahaan qaarkood wax ay qaataan minimum wage . Sida kuweenna oo kalena, contracts ma bixiyaan. Lacag doowladeed ma arkaan aan biilka yar ee la siiuo aan aheyn . Shaqooyin kale ayey ay maalintii aadaan si ay bill -sha iskaga bixiyaan. Waxaa la mid ah house representative.
– Ilhan Omar – cid soo tarxiili karta ma jirto. Meeshu ma ahan Somaaliya oo siyaasigu oo ciddi uu rabo xiri karo .
– Soomaalida Mareykanka joogta oo dhan haddii ay isku tagaan ma uu jiro siyaasi ay kaligood soo saari karaan . Xitaa Cedar iyo Kramel area – hal qof ma ay soo saari karaan . Caddaanka ayaannu ku lug darsannnaa .
– Meel ay Soomaali u badan tahay ma jirto Mareykanka . Xoogaa dabaqyo ah oo low income ah oo dowladdu nagu caawiso waa jiraan oo aan u badannahay Laakiin still Xaafadda Waan na looga badan yahay .
Soomaali xisbi wax ku doorata ayaa jirta oo republican ama democratic ah oo uusan qabiilku sameyn. Xitaa waxaa jira kuwa xisbiga democratic ah isla ah oo aragtiyo kala duwan aaminsan oo kala codeeya.
Waxa aan ku soo koobayaa; Dadka qaar aad safafka dhaadheer u gashiin; marka ay Inta joogaan, waa ciyaalka Xaafadda . Titles -Ka hala iska hubiyo!lalll
Xigasho: Bashir Hashi Dhore ~Facebook