April 6, 2026

Doorashada Duqa Minneapolis iyo Fursadda Taariikhiga ah ee Soomaalida

Doorashada duqa magaalada Minneapolis ee u dhaxaysa murashaxiin badan oo ay ugu saameyn badan yihiin Senator Omar Fateh iyo duqa hadda xilka haya Jacob Frey waa mid raad muhiim ah ku yeelan doonta nolosha dadka magaalada ku nool, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed oo si weyn u degan, uguna shaqeysata magaaladaas.

Soomaalidu waa inay si miyir leh u qiimeeyaan waxa maslaxadooda hor-tabinta u leh, iyaga oo eegaya murashaxa siyaasaddiisu wax ka beddeli karto noloshooda dhabta ah sida adeegyada ay u baahan yihiin, iyo mustaqbalka carruurtooda.

Macno ma ay lahan in qof loogu codeeyo oo keliya inuu kula wadaago qabiil, diin ama asal. Codkaagu waa masuuliyad, waxaana mudan in aad siiso murashaxa waxqabadkiisu cad yahay oo noloshaada gaarka ah, tan familkaaga iyo tan bulshadaada dani ugu jirto.

Intaan aqriyey waxqabadka labada murashax ee Soomaaliadu la kala safan tahay, waxaan ogaadey in Senator Omar Fateh, isagoonba weli duqa magaalada ahayn, haddana waxqabadkiisa intuu xildhiibaanka deegaanka ee magaaladaas ahaa uu si toos ah u saameeyay nolosha dad badan oo Minneapolis ku nool oo Soomaaliadu ka mid tahay. Waxaa ka mid ah:

• Wuxuu saxiixay heshiis shaqaaleed oo Uber iyo Lyft drivers-ka u sahlay xuquuq cadaalad ah, kaas oo noqday tusaale ay gobollo kale qaateen. (Shaqada ugu badan oo Soomaalidu Magaaladaasna ogow waa Uber ama Lyft driver)

• Wuxuu bilaash ka dhigay jaamacadaha dadka dakhligoodu ka hooseeyo $80,000, taas oo ay ka faa’iideen arday da’ kasta leh isla markaana kordhisay tirada isqorista jaamacadaha. Soomaalidu waa dadka ugu badan oo ka faa’iideysanaya sharcigan.

• Wuxuu sharciyeeyay isticmaalka fentanyl test strips, waa tallaabo badbaadisay nolosha dad badan. Waxay xakameysey dhimashada daroogada la xiriirta. (Iskagama sheekeyneyno dhibaatada daroogadu ku hayso ubadka Soomaliada ee Minneapolis iyo guud ahaan Minnesota)

• Wuxuu balan qaadey in magaalada Minneapolis in qiimaha mushaharka saacadii ugu yaraan laga dhigo $20 marka la gaaro sanadka 2028. (Sommaalida iyo soo galootiga kale ayay dan weyn u tahay)

Xafiiskiisa waxaa si toos ah Af-soomaali uga adeegan kara cid kasta oo Soomaali ah oo afkiisa iyo dantiisa laga fahmayo, taas oo abuuraysa kalsooni, matalaad dhab ah, iyo fursado shaqo oo cusub.

Soomaalida Minneapolis waxay maanta haysataa fursad ay codkooda ugu beddeli karaan isbeddel muuqda iyo matalaad dhab ah. Guusha Omar Fateh waxay ka dhigan tahay in ubadkeenna qurbuhu helaan tusaale dhab ah oo ay ku daydaan maadaama uu yahay qof midabkooda, afkooda, iyo asalkoodaba la wadaaga oo hormuud u noqda bulshada.

Guul baan u rajaynayaa Omar Fateh

 

xigasho: Saacid M Geele~ Facebook