April 7, 2026

Gabar u dhalatay jarmal oo dhul mareen ah ayaa shil ku gashay …

Gabadhaan waxaa la dhahaa Carolina Wilga, waa gabar 26-jir Jarmal ah oo dadka boorsada dhabrka ku qaata ee safra ah.

Gaari ay wadatay ayaa dalcad kala dhacay, xilli ay ku safraysay galbeedka dalka Australia, madaxa ayaa jug ka gaartay, jihada ayayna ka luntay oo waa iska dhaqaaqday. Muddo 11 maalin ah ayaa la baadi-goobayay, laakiin waxay wehel la ahayd muddadaas roobka, dhaxanta iyo cidlada duurka halkii ay mashaqada ku qabsatay.

Tania Henley oo ah naag Australian beeraley ah ayaa ka heshay meel 30 kilo mitir u jirta halkii gaarigu kula dhacay, booliska ayaana la wargaliyay.

Maanta ayay warbaahinta la hadashay, waxayna ka mahadcelisay taageerada dadka tuulada oo aad u garab istaagay isbitaalkana buux-dhaafiyay. Waxay sheegtay inay dareemeyso inay bulshada halkaas daggan ay qeyb ka tahay.

Xigasho Tahlil Olad