Xisaabta Sanadkii 2024
Sanadkii 2024 waxaa Jarmalka laga dhoofiyay oo Soomaaliya loo dhoofiyay alaabo iyo adeegyo qiimo ahaan ku kacayay 24,135,000€ (Labaatan iyo afar milyan, boqol iyo soddon iyo shan kun oo Yuuro).
Soomaaliya waxaa laga soo dhoofiyay, dalkaan Jarmalkana loo soo dhoofiyay alaabo iyo adeegyo qiimahooda ay gaarayaan 2,653,000€ (Laba milyan, lix boqol iyo konton iyo seddax kun oo Yuuro).
Farqiga waxaa waaye oo Jarmalkana faa’iido u ah lacag gaareysa 21,482,000€ (Labaatan iyo koow milyan iyo bar wax u dhow).
Tusaale dalalka deriska la ah Soomaaliya:
Jarmalka waxay dalka Kenya u dhoofiyeen alaabo iyo adeegyo qiimo ahaan ku kacaya 255,057,000€.
Kenyaanka waxay soo dhoofiyeen oo Jarmalka ka iibiyeen 227,756,000€
Si wacan u eeg farqiga, Kenyan waxbadan ayay dhoofsadeen, waxbadan ayayna soo dhoofiyeen.
Itoobiyaankana waa sidaan
Jarmalka wuxuu Itoobiya u dhoofiyay 134,850,000€
Itoobiyaanka waxay dalkan Jarmalka usoo dhoofiyeen 240,051,000€
Xisaabtaasi Dowladda Jarmalka ayaa soo saartay 23/06/2025
Inta aad howlo kale ku mashquulsan tahay, rag iyo dumarbaa alaabo iyo adeegyo waaweyn kala diraya.
Galab wanaagsan –
xigasho Ahmed Kadiye