April 6, 2026

Isbeddelka Aan La Qiyaasi Karin ee Ku Yimid Xulka Qaranka Soomaaliya,

 

[ Beri guul ayuu keenayaa qaranka ee aan faaleeyo isbedelka xulalalka kubadda cagta soomaaliya ]

Sanadkan 2025 wuxuu noqday mid muhiim u ah taariikhda kubadda cagta Soomaaliya, iyadoo isbeddel muuqda oo ballaaran laga dareemayo dhanka maamulka, ciyaartoyda, tababarka iyo guud ahaan muuqaalka Xulka Qaranka.
Warbixintan waxay diiradda saaraysaa qeybaha ugu waaweyn ee isbeddelka iyo saameynta ay ku yeesheen horumarka kooxda qaranka.

Xulka Qaranka Soomaaliya waxaa ka muuqda horumar baaxad leh oo ka yimid dhinaca maamulka. Is-dabayaacii iyo jahawareerkii hore waxaa beddelay nidaam iyo qorshe cad, maamul xirfad leh iyo hab shaqo casri ah oo la jaanqaadaya heerarka kubadda cagta caalamiga ah. Isbeddelkan maamulka wuxuu sabab u noqday jawi xasilloon oo ciyaartoydu si kalsooni leh loogu diyaariyo ciyaaraha, taasoo si toos ah u saameysay natiijooyinka garoonka.

Dhanka ciyaartoyda, waxaa muuqata koror weyn oo tayadooda ah. Bandhigyada ay sameeyeen, natiijooyinkii guusha lahaa ee ay gaareen iyo diyaargarowga xooggan ee imaatinkooda ku saabsan ayaa muujinaya in ciyaartoyda maanta matasha Soomaaliya ay yihiin kuwo tababar iyo aqoon farsamo oo heer sare leh leh. Waxaa sidoo kale la filayaa in ay natiijo weyn ka keenaan kulanka ay la ciyaarayaan Oman.

Dhinaca tababarka iyo habka ciyaareed, Macallin Yuusuf Cali ayaa soo kordhiyay qaab cusub oo casri ah. Shaxdiisa, fahamka nidaamka ciyaarta iyo maareynta garoonka ayaa ka dhigay xulka mid si xirfad leh u shaqeeya, iyadoo la dareemayo in isbeddelka farsamo uu yahay furaha guusha ugu weyn ee muuqata.

Anshaxa iyo heybadda kooxda qaranka ayaa sidoo kale ah kuwo ka muuqda marxaladdan cusub. Ciyaartoydu waxay muujiyeen edeb , asturnaansho iyo aqoon ku dheehan xirfaddedooda, taas oo ah wax aan muddo dheer xulka laga arkin. Muuqaalka guud ee kooxda iyo maamulka ayaa noqday mid qaran ahaan sharaf iyo astaan u noqon kara.

Isbeddelkan ma aha mid kaliya ku kooban kooxda koowaad kaliya ee . Xulalka yaryar ayaa iyaguna lasoo baxaywhorumar muuqda, iyadoo tababaro casri ah, shaqaale farsamo casriya wata, aqoon iyo khibrad leh iyo maamul la jaanqaadaya xulka weyn ay horseedeen horumarkooda. Macallin Yuusuf iyo Macallin Daadir Amiin ayaa door muuqda ku leh dib-u-dhiska hanaankan cusub ee dhallinyarada waaweyn iyo yaryarka lagu diyaarinayo.

Gabagabadii, warbixintani waxay muujinaysaa in Xulka Qaranka Soomaaliya uu maanta joogo heer uusan muddo dheer gaarin. Waxaa muuqda dib-u-habeyn dhab ah oo ka socota maamulka, tababarka iyo dhismaha farsamo ee xulka. Tayada ciyaartoyda ayaa korodhay, natiijooyinkuna waa guulo , iyadoo heybadda qaranka ay si cad ugu soo laabatay garoomada. Haddii jihadan lagu sii socdo, Soomaaliya waxay yeelan kartaa xul qaran adag oo ka qeyb geli kara tartamada waaweyn ee qaaradda iyo caalamka, waxana dhismahan qayb wayn ka ah caayaraha degmooyinka iyo gobollada oo la xoojiyay waayadii dambe,

Guul darro iyo diif, foolxumo iyo hanjab waa ka baxay qaranka soomaaliya, heybad iyo guulo ayuu u guuray ee bari haloo rajeeyo guul iyo natiijo wanaagsan,