July 18, 2026

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Munich oo Xustay 66-guuradii Maalmaha Xorriyadda Soomaaliya

Munich, Jarmalka – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Munich ayaa caawa qabatay munaasabad lagu xusay 66-guuradii ka soo wareegtay maalmaha xorriyadda Soomaaliya.

Munaasabadda, oo ay soo qabanqaabisay jaaliyadda, ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, iyadoo ay hadallo ka jeediyeen qaar ka mid ah odayaasha iyo masuuliyiinta jaaliyadda. Waxay ka hadleen qiimaha ay leedahay xorriyaddu, midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta taariikhda qaranka.

Intii ay munaasabaddu socotay ayaa waxaa la qaaday heeso waddani ah oo ka tarjumayay halgankii gobannimo-doonka iyo maalmaha xorriyadda Soomaaliya. Gabagabadii munaasabadda ayaa lagu soo xiray heeso iyo qoob-ka-ciyaar ay si weyn ugu riyaaqeen dhalinyarada iyo ka qaybgalayaashii kale.

Qaar ka mid ah dadkii ka soo qayb galay munaasabadda, oo ay ku jireen dad ka yimid magaalooyin kala duwan, ayaa sheegay in munaasabaddan ay xambaarsan tahay dareen waddaniyeed oo gaar ah, isla markaana ay xusuusinayso halgankii iyo naf-hurnimadii loo soo maray xorriyadda Soomaaliya. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la sii joogteeyo munaasabadaha noocan oo kale ah si loo xoojiyo midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed ee dibadda ku nool.

Sawiarada