Dadka degan Jasiiradaha Lofoten ee Norway ayaa ka cabanaya Dalxiise-yaasha Faraha badan ee soo booqanaya,
Jasiiradaha quruxda badan ee Lofoten ee waqooyiga Norway ayaa si weyn u caan noqday kadib muuqaallo Qurux badan ee laga baahiyay oo muujinaya qorraxda aan dhicin xilliga xagaaga. Qorraxda oo habeenkii la arkayo, buuraha dhaadheer, biyaha nadiifka ah, iyo tuulooyinka kalluumeysiga ee la yaabka leh ayaa soo jiitay tiro badan oo dalxiisayaal ah.
Laakiin hadda, markii ugu horreysay, Lofoten waxay wajahaysaa dhibaato la xiriirta dalxiis xad-dhaaf ah (overtourism), taas oo culays ku keentay deegaanka iyo dadka deegaanka dareemaya buux dhaaf iyo ciriiri adeegyada qaar,
Cabashooyinka Dadka Deegaanka:
Kaabeyaasha daciifka ah: Lofoten ma leh adeegyo ku filan tirada badan ee dalxiisayaasha, sida musqulaha, jidadka, iyo goobaha hoyga.
Saameynta deegaanka: Qashin, kaambayn aan sharci ahayn, iyo baabuurta lagu wado meelo aan la oggolayn ayaa waxyeelo u geysanaya deegaanka dabiiciga ah.
Xushmada dadka deegaanka: Dadka deegaanka waxay dalbadeen in dalxiisayaasha ay u dhaqmaan si masuul ah, ayan ku xadgudbin guryaha gaarka ah, isla markaana raacaan sharciyada iyo xeerarka deegaanka.
Farriinta dadka deegaanka:
“Waa sharaf inaan dunida la wadaagno jasiiradahan, laakiin fadlan noogu imaada sida marti sharaf, ee ma aha sidii duulaan. Xasuus kaliya qaado, raadna ha ka tagin.”
Maamulka deegaanka ayaa hadda wada qorsheyaal ay ku xadidayaan tirada dadka imaanaya, kor loogu qaadayo wacyigelinta, lana dhisayo adeegyo dheeraad ah si loo ilaaliyo dalxiis waara (sustainable tourism
Oktoober23