April 6, 2026

Ku dhowaad 2,000 Dacwad ayaa laga gudbiyay Xafiiska soogalootiga iyo jinsiyadaha magaalada Berlin

Berlin oo la Kulantay Tiradii Ugu Badnayd ee Dacwado Ka Dhan ah Dowladda – Ku Dhawaad 2,000 Dacwado Dhalasho (Einbürgerung) Sanadkan

Berlin, Germany – Maxkamadda Maamulka ee Berlin (Verwaltungsgericht) ayaa sanadkan heshay ku dhawaad 2,000 dacwadood oo ka dhan ah dowladda Berlin, kuwaas oo la xiriira dib u dhaca dheer ee codsiyada dhalashada (Einbürgerung). Tani waxay la micno tahay 33 jeer intii dacwooyinka la gudbiyey sanadkii 2022.

Dacwooyinkan waxaa lagu magacaabaa “Inaction lawsuits” – dacwo lagu soo oogo hay’adda dowladda marka aanay waxba ka qaban codsiga muddo sharci ahaan ku xaddidan.

 

Sababta Dacwooyinka U Bataeen

Sida ay sheegtay Maxkamadda Maamulka:
• Xafiiska Arrimaha Soo-galootiga (LEA) ma awoodin inuu ku shaqeeyo codsiyada dhalashada mudada sharcigu farayo oo ah 3 bilood.
• Dad badan oo codsaday dhalashada ayaa sugayey bilo ama xitaa sanado, taas oo ku qasabtay in ay dacwo maxkamad u gudbiyaan.

 

Tirooyinka Soo Baxay
• Inta badan dacwooyinka maxkamadda la geeyo sanadkan 10% waxaa ka mid ah codsiyada dhalashada.
• Ilaa sanadka 2022, celcelis ahaan 60 dacwo oo dhalasho ayaa sanadkii la gudbin jiray.
• Sanadkii 2023 tiradu waxay kor ugu kacday 430.
• Sanadkii 2024 tiradu waxay gaartay 1,684.
• Sanadkan (illaa October) waxaa la gaaray ku dhowaad 2,000 dacwo.

 

Mas’uuliyiinta Berlin oo Cadaadis Saaran

Guddoomiyaha Maxkamadda Maamulka, Erna Viktoria Xalter, ayaa warqad u dirtay Senator-ka Caddaaladda Peter Badenberg, iyada oo ka digtay in maxkamaddu ku socoto culays aan hore loo arag.

Waxa ay ku baaqday:
• In la kordhiyo shaqaalaha LEA- Xafiska soogalootiga
• In la dedejiyo nidaamka dhalashada
• In la yareeyo cabashooyinka iyo dacwooyinka ka imaanaya bulshada

 

Gebagebo

Berlin ayaa wajahaysa jahwareer sharci iyo mid maamul, oo ka dhashay culeyska ka imaanaya dadka sugaya dhalashada. Kiiskan waxa uu muujinayaa:

In nidaamka dhalashada ee Berlin uu aad u gaabisay, taas oo keentay in kumannaan qof maxkamad u gudbaan si ay u helaan xuquuqdooda sharciyeed