April 24, 2026

Laascaanood Oo Soo Dhawaysay Wafdi Ka Socda Norway Iyo Furitaanka Isbitaalka Guud

Danjiraha Norway u fadhiya Soomaaliya, Carsten Carlsen, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin sare oo ka socota hay’adda The Nordic International Support Foundation (NIS), ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Laascaanood. Waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyay Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, oo xafiiskiisa ku qaabilay.

Kulanka Hoggaamiyaha iyo Danjiraha ayaa diiradda lagu saaray arrimaha horumarka, mashaariicda gargaarka, nabadda, iyo geeddisocodka dhismaha dawladnimada SSC-Khaatumo. Hoggaamiyaha ayaa marka horeba xusay xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya Dawladda Norway iyo shacabka SSC. Sidoo kale, wuxuu Danjiraha uga mahadceliyay mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyeen deegaannada SSC-Khaatumo.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha ayaa iftiimiyay in SSC-Khaatumo ay tahay astaan nabadeed oo u taagan ilaalinta nabadda iyo xasiloonida gobolka, mar walbana ay diyaar u tahay in ay nabad kula noolaato deriskeeda.

Danjiraha ayaa dhankiisa si weyn uga mahadceliyay soo dhawaynta diirran ee uu kala kulmay shacabka iyo mas’uuliyiinta Laascaanood, wuxuuna ballanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada horumarineed ee ay siiyaan deegaannada SSC-Khaatumo.

Maanta, Danjire Carlsen ayaa si rasmi ah u furay dib-u-dhiska Isbitaalka Guud ee Laascaanood, kaas oo lagu sameeyay dayactir ballaaran, qalabayn casri ah, iyo dib-u-dhis buuxa.

Mashruuca dib-u-dhiska isbitaalka ayaa waxaa suurtageliyay iskaashi dhex maray Dowladaha Norway iyo Switzerland, iyo sidoo kale taageero ka timid Hay’adda The Nordic International Support Foundation (NIS), oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo xarunteedu tahay Oslo, Norway.

Isbitaalka ayaa si weyn u burburay intii uu socday dagaalkii gobolka ee sanadkii 2023. Mashruucan ayaa loo fuliyay si isbitaalka dib loogu soo celiyo awooddiisii buuxda, isla markaana uu u adeego bulshada deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *