Minnesota, Mareykanka – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in uu joojiyay Barnaamijka Ilaalinta Ku-Meel Gaarka ah (TPS) ee Soomaalida ku nool gobolka Minnesota, isagoo ku sababeeyay iney sameeyeen “dhaqdhaqaaqyo lagu musuqmaasuqay lacago xoogan” iyo iney soo bexeen kooxo Soomaali ah oo dadka gobolka cabsi gelinaya.
TPS waa barnaamij Mareykanku siiyo muhaajiriinta ka soo jeeda dalal ay ka jiraan xaalado degdeg ah, sida dagaal ama masiibo, kaasoo siinaya ilaalin sharci oo ku meel gaar ah, rukhsad shaqo, iyo ka hortag celin. Soomaalida Minnesota ayaa sannado badan ku tiirsanaa TPS si ay sharci ahaan u sii joogaan Mareykanka.
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada X ku sheegay:
“Guddoomiyaha Waltz, Minnesota waxa uu ka dhigay xarun lagu dhaqo lacagaha musuqmaasuqa. Aniga oo ah Madaxweynaha dalka Mareykanka, waxaan halkan ku joojinayaa Barnaamijka TPS-ka Soomaalida ku nool Minnesota, Kooxo Soomaali ah ayaa dadka gobolka cabsi gelinaya, oo BILLIONS of Dollars ah musuqay. Dib ugu celi meelihii ay ka yimaadeen. DHAMAAD!” Ayuu yiri.
Falcelinno siyaasadeed xoogan ayaa ka dhalatay qoraalkan, iyadoo siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha qaar ay ka digayaan saameynta bini’aadantinimo iyo mid bulsho ee go’aankan ku yeelan karo qoysaska Soomaaliyeed ee gobolka.
Falanqeeyayaasha ayaa sidoo kale tilmaamay in go’aankan uu keeni karo xiisado siyaasadeed oo dheeraad ah iyo muran ku saabsan xuquuqda muhaajiriinta, maadaama TPS uu ahaa barnaamij muhiim u ah ilaalinta sharci ee Soomaalida Minnesota.
Soomaalida ku dhaqan Maraynkanka ayaa iyagana ku tilmaamay hadalkaasi mid u eg beegsi iyo cunsuriyad lagu faquuqayo guud ahaan soomaalida iyadoo dowladu ogtahay shaqsiyaadka sida gaarka ah u musuqay lacagahan oo ku jiraan dad isaga la jinsiyad ah,