April 7, 2026

Maxkamad ku taala Mareykanka ayaa amartay in Tesla bixiso $243 Milyan kadib shil dhimasho sababay,

Florida (USA) – Maxkamad federaal ah ayaa amartay shirkadda Tesla, oo uu hoggaamiyo Elon Musk, in ay bixiso lacag dhan $243 milyan kadib markii uu dhacay shil dhimasho sababay oo lala xiriiriyay nidaamka “Autopilot” ee baabuurka.

Qofkii dhintay iyo dhaawaca:

• Naibel Benavides Leon, 22 jir ah, ayaa ku dhimatay shilkaas.

• Saaxiibkeed Dillon Angulo ayaa dhaawac culus soo gaaray.

Shilku wuxuu dhacay bishii Abriil 2019, markii baabuurka Tesla uu si xawaare sare ah u socday (62 mph) oo uu ka gudbay nal casaan, kadibna uu ku dhacay baabuur kale oo yaalay meel la joojiyay.

 

Go’aanka maxkamadda:

• Maxkamaddu waxay sheegtay in Tesla ay 33% masuul ka tahay shilka, iyadoo darawalkii waday isna mas’uul laga dhigay 67%.
• Waxaa la xukumay in:
• Tesla bixiso $129 milyan magdhaw
• Iyo $200 milyan ganaax ciqaabeed ah

Guud ahaan: $243 milyan

Maxay ahayd sababta dacwadda?

Qareennada qoyska dhibbanayaasha ayaa ku eedeeyay Tesla:

• In ay si khaldan u suuq geysay nidaamka Autopilot,

• In aysan si cad u sheegin in nidaamku ku habboon yahay oo kaliya wadada weyn (highway),

• In ay ogaatay khatarta balse aysan wax ka qaban.

Maxay Tesla ka tiri?

Shirkadda Tesla waxay sheegtay in:
• Go’aanka maxkamaddu uu yahay “khalad”,

• Darawalku uu si cad ugu mashquulsanaa taleefoonkiisa xiliga shilka,

• Waxayna sheegtay in ay racfaan qaadaneyso.

Sababta ay tani muhiim u tahay:
• Waa markii ugu horreysay ee maxkamad federaal ah ku hesho Tesla dembi shil dhimasho sababay oo la xiriira Autopilot.

• Waxaa laga cabsi qabaa in tani ay furto dariiqa dacwooyin kale.

• Waxay dhaawici kartaa sumcadda Tesla gaar ahaan marka Elon Musk uu wado qorshaha baabuurta iswada ee mustaqbalka (robotaxis).

Gunaanad:

Tesla waxay wajahayaan cadaadis sharci iyo mid dadweyne ah kadib go’aankan. Waxaa suuragal ah in kiiskan uu saameyn ballaaran ku yeesho sharciyada baabuurta iswada (autonomous cars) iyo shirkadaha tignoolajiyada mustaqbalka,

Xigasho DW.