April 7, 2026

Tirada Soomaalida iska dhiibtay dalka Jarmalka dhowr kii sano ee lasoo dhaafay

Lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2025 waxaa dalkan Jarmalka iska dhiibay 2,114 Soomaali ah.

Sanadkii 2024 = 6,953 Soomaali ah

Sanadkii 2023 = 5,301 Soomaali ah

Sanadkii 2022 = 3,938 Soomaali ah

Tirooyinkaasi dhan waa kuwa markoodii ugu horeysay dalkan iska dhiibay, kuma jiraan tirada kuwa laba mar iyo ka badan iska dhiibay Jarmalka.

Sanadkan 2025 Soomaalida kaalinta 5aad ayay kaga jiraan dhanka iska dhiibidda Jarmalka
Waxaa ka horeeyo Suuriyaan, Afgaan, Turki iyo Ciraaqiyiin, kaddib Soomaalida ayaa ku xigto.

Sanadkii 2024 Soomaalida kaalinta 5aad ayay ku jirtay.

Sanadkii 2023 kaalinta 8aad

Sanadkii 2022 kaalinta 8aad

Sidaas ayadoo ay tahay sanadkaan 2025 qaxootiga is dhiibay dhan Soomaalida 3.4% (Seddax dhibic afar boqolkiiba) ayay ka yihiin. Micnaha 100kii qof ee Jarmalka iska dhiibta ayay 3 kamid ah Soomaali noqonayaan.

Dhanka kale Soomaalida iyo Laanta Socdaalka ee Jarmalka si wacan bay isku yaqaanaan.
Jarmalkana waa waddan u naqan Soomaalida 15kii sano ee ugu danbeysay, markii loo eego Yurubta kale.

Walaalaha diidmada haysta ha samraan, howshooda iyo dadaalkoodana ha wadaan, laasim way helayaan wax ay ku farxaan, haddii aysan danbiyo iwm gelin.
Adkaysi, dadaal iyo rajo wanaagsan ayaa muhiim ah.
Qofkaanan adkaysan karin, waxna sugi karin Jarmalka & Yurub dhanba wuu kusoo qaldamay.

Galab wanaagsan –

Xigasho, Ahmed Kadiye