April 7, 2026

UK, Kacdoon qaxootiga looga horjeedo ayaa ka bilowday Ingiriiska, Aqriso

Uk kacdoon qaxootiga looga soo horjeedo ayay cunsuriyiinta ka bilaabeen iyagoo ku andacoonaya dowladu hoteelo dajisay qaxootiga ku sheegeen Dalxiiseyaal Magangelya doon ah,

Kacdoonka kooxahan abaabulan ee kaamiradaha sita ayaa markii sii hore ku bilowday soo bandhigida muuqaalo laga soo duubo xarumaha (Hotel ) lagu hayo qaxootiga, iyo shaqooyinka qabanayaan iyagoo aan sharci u heysan,

Dhaliisha dowlada iyo qorsho xumada siyaasadeeda qaxotiga bulshada loo soo bandhigo ayay doodaasi daarneed balse iminka waxa ay u guurtay cunsuriyad iyo naceyb guud loo muujinayo qaxootiga dalkaasi ku cusub kaamirado lagu eryanayo,

Asbuucan Kooxo abaabulan ayaana gudaha u galay hoteeladii Security irdaha ka tagaanaa ee laga celin jirey, iyagoona u dhaadhacay dad qaxooti ah qolal ViP degen una shidan tahay heeso kala kacsan, muuqaalo live ah ayay toos baraha bulshada geliyeen iyagoo moodo jabhado la qabsaday qasriga madaxtooyo dal, shacab badan ayaana live kaas waanayay oo ay su’aalo waajib eheen ku weydiinayeen qof qolkiisa loogu soo dhacay,

Qaxooti Soomaali, suuriyaan iyo dalal badanoo africa dhaca kayimid ayaa howlgaladan lagu beegsaday, handadaad caay iyo cagajugleyn ayayna toos loogu geestey dad aan wax dhibaata ah sameenin,waxayna sii xoojiyeen in lagu dhiiran karo tallaabooyin oo ay caadi tahay,

Laamaha amniga dowlada ingiriiska, hay’adda ha qaxootiga iyo soogelootiga dalkaas ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, waxa ayna wadaan baaritaan lagu soo qabqabanayo dadkaas waloow aanu jirin dad loo xirxiray ilaa iyo hada, dowlada cabsi xoogan ayay ka qabtaa in kacdoonku intaa ka sii weynaado, sidoo kalena cabsi waxa jirta kacdoonkani ku sii fido dalal badan oo yurub ah,

Xaaladan qaxooti naceybka ka dilaacday Uk ayaa kusoo adeysa xili dad badanoo yurub qaxooti ku ahaa usoo tahriibayaan dalka ingiriiska oo xaaladan galay, kuwa kalena afrika ayay kasoo baqoolayaan oo waa rajo qabayaal mar un Uk soo cagadhigaan,

Faransiiska kasoo tallow ma isleheed ?

Oktoober