April 6, 2026

Cutubyo ka tiraan ciidanka Mareykanka ayaa ku guuleystay sameenta Drone cusub iyadoo meesha laga saaray nidaamkii hore ee drone-ka RQ-7B Shadow.

Cutubka Hawkeye ee Ciidanka Mareykanka oo Hogaaminaya Hal-abuurka Teknoolojiyadda Dagaalka ayaa soo bandhigey diyaarado cusub Drones iyadoona howgab laga dhigay nidaam kii hore ee drone-ka RQ-7B Shadow.

Cutubka Hawkeye Platoon, oo ka tirsan 173rd Airborne Brigade ee Ciidanka Mareykanka, ayaa hadda ah hormuudka hal-abuurka cusub ee teknoolojiyadda millatari. Cutubkani waxa uu hormuud u yahay sidii loo horumarin lahaa loona isticmaali lahaa drones-yo dagaal, kuwaas oo askartu ay inta badan iyagu samaystaan iyagoo adeegsanaya daabacaadda 3D-ga iyo qalab laga heli karo suuqa caadiga ah (commercial-off-the-shelf).

Hawlgalkaan cusub ayaa ka dhashay kadib markii ciidamada Mareykanka ay howlgab ka dhigeen barnaamijkii drone-ka RQ-7B Shadow. Si loo buuxiyo baahida ka dhalatay, Hawkeye Platoon waxay abuureen ciidamo isku-dhaf ah (hybrid fleet) oo drone-yo ah. Waxa ku jira PDW C100 drones oo laga helo suuqa, kuwaas oo leh awooda fulinta howlgalo duulimaad dheer loo galayo, iyo sidoo kale drone-yada FPV askarta gacantooda ku sameesanayaan.

FPV Drones – Qiimo Jaban iyo Waqti Dhakhso ah

Drones-ka FPV (First-Person View) waa diyaarado la dhisi karo saacado gudahood iyadoo la isticmaalayo boqolaal doolar oo kaliya. Waxay faa’iido weyn u leeyihiin weerarada masaafo gaaban iyo sirdoonka, waxaana lagu isticmaalaa shaqooyinka gaarka ah. Askar ku adeegsaneysa mobile lab (shaybaar la qaadi karo) ayaa 3D-daabacaad ku sameeya qaybaha drone-ka ee waxyeeloobay, iyagoo sidoo kale u habeyn kara drones-ka iyagoona si hufan ugudanaya howgalo kala duwan ee loo diro,

Waxaa la xaqiijiyay in drone-yadaas ay xitaa xambaari karaan qaraxyo kadib markii Saeaakiishu tijaabo ku sameeyeen si loo xaqiijiyo awoodooda howlgalada qaraxyada goobaha dagaalka.

PDW C100 – Duulimaad Dheer iyo Xamuul Bixis

Drone-yada PDW C100 waxay leeyihiin awood duulimaad oo sarreysa. Waxay hawada ku sii jiri karaan 74 daqiiqo, waxaana ay gaari karaan 10km. Waxaa loo adeegsan karaa sirdoonka , la socodka xaaladaha, iyo gargaarka degdegga ah sida keenista daawooyinka.

Askar = Horumariye + Hawl-wade

Habkan cusub wuxuu awood u siinayaa askarta in aysan ahayn kaliya hawl-wadeenno, balse ay noqdaan hal-abuurayaal iyo horumariyeyaal. Cutubka Hawkeye wuxuu sidoo kale tababar siiyey cutubbo kale oo ka tirsan brigada, si loo horumariyo xirfadahan drone-ka soo saarista,.

Qaabkan isku filmaashaha askarta, ee ku saleysan hal-abuurka cutubyada hoose, ayaa loo arkaa mid muhiim ah si loo casriyeeyo howlgalka ciidamada Mareykanka iyadoo qayb ka noqonaysa guulaha iyo waxqabadkooda dagaal,

Xigasho Waaxda Difaaca Dowlada Mareykanka,