January 15, 2026

WARBIXIN: Booliiska Jarmalka oo shaaciyay tirada dadka sharci-darrada kaga soo galay xuduudaha Bayern 2024–2025

 

Warbixin lagu daabacay joornaalka Hallo München ayaa lagu sheegay in lagu soo qabtay 16,526 qof oo si sharci-darro ah uga soo tallaabay xuduudaha gobolka Bayern. Tallaabadan ayaa lagu fuliyay amar kasoo baxay Wasaaradda Federaalka Arrimaha Gudaha iyo Waddanka.

Booliska Federaalka Jarmalka ayaa tan iyo 16-ka Sebtembar 2024 si ku-meel-gaar ah dib ugu bilaabay kormeerro laga sameeyo dhammaan xuduudaha dhulka ee Schengen. Hadda, boolisku waxay soo saareen xogtii ugu dambeysay ee gobolka Bayern.

Tirooyinka laga helay kormeerka xuduudaha Bayern (16 Sebtembar 2024 – 30 Sebtembar 2025)
• 16,526 qof ayaa si sharci-darro ah ku soo galay dalka,
12,934 ka yimid Austria, 3,592 ka yimid Czech Republic.
• 10,480 qof ayaa si toos ah dib loogu celiyay xuduudda,
(Austria: 9,523 / Czech Republic: 957) iyadoo loo cuskaday soo-galitaan sharci-darro ah iyo xeerarka xuduudaha Schengen.
• 583 qof ayaa la xaqiijiyay inay lahaayeen mamnuucid dib-u-soo-gelin Jarmalka, sidaas darteedna waa laga diiday inay dalka galaan
(Austria: 516 / Czech Republic: 67).
• 882 qof oo tahriibiyeyaal ah ayaa si ku-meel-gaar ah loo xiray
(Austria: 818 / Czech Republic: 64).
• 3,335 amarro xabsi oo furan ayaa la fuliyay
(Austria: 2,684 / Czech Republic: 651).
• 229 qof ayaa loo aqoonsaday inay xiriir la leeyihiin kooxo xagjir ah, sida kuwa ajaanib-nacaybka, xagjirta bidix/midigta, ama Islaamiyiin xagjir ah
(Austria: 181 / Czech Republic: 48).

Sharci yaqaanada waxay hoosta ka xariiqeen in dadka lasoo daayay ee xabsiyada lagu xukumay, gaar ahaan magangelyo-doonka, looga baahan yahay inay fuliyaan amarada lagu dul dhigay si looga hortago musuqmaasuq ama dhibaatooyin sharci oo mustaqbalka ah.