Maalik Haashi ayaa Kooxda Arsenal maanta u saxiixay heshiiskiisii ugu horreeyay ee xirfada caalamiga
Maalik Haashi, oo ah ciyaaryahan asal ahaan kasoo jeeda Soomaali in mudana kana tirsan da’yarta kooxda Arsenal ee dalka England, ayaa maanta saxiixay heshiiskiisii ugu horreeyay ee xirfadeed ciyaaraha caalamiga (professional contract) kaasoo uu la galay kooxda faca weyn ee Arsenal. Sida lagu baahiyay bogga rasmiga ee naadiga,
Maalik oo u ciyaara khadka dhexe (midfielder), kana soo baxay akadeemiyadda caanka ah ee Hale End, ayaa sanadadii lasoo dhaafay kamid ahaa ciyaartoyda ugu ilqabadka wanaagsan kooxaha da’yarta Arsenal sida heerarka U18 iyo U21.jira, taas ayaana ka dhigtay in loo qaaxo heerka sare ee kooxda,
Heshiiskan cusub oo ay goob joog ka ahaayeen walidiintiisa ayaa ka dhigan in Maalik si rasmi ah uga gudbay heerka da’yarta una noqday ciyaaryahan xirfadle ah oo qandaraas rasmi ah kula jira Arsenal.
Falanqeeyayaasha ciyaaraha ayaa sadaalinaya Malik 17jirkan geeska asalkiisa soomaaliga yahay in sedex sano soo socata noqon doono cayaarahada loogu Jecel yahay kooxda arsenal iyo primeri leage dalka ingiriiska, waxa uuna noqonaya cayaaryahankii labaad ee soomaali ah ee Horyaalka engiriiska wacdara ka dhiga,
Saxiixa heshiiskan ayaa loo arkaa tallaabo weyn oo horumar u ah mustaqbalkiisa ciyaareed, iyadoo la filayo inuu sii hormaro isla markaana mustaqbalka ka mid noqdo kooxda koowaad ee Arsenal.
Guul ayaan u rajaynaya Malik