July 18, 2026

Bandhiga Buuga Darren iyo Naf Barasho Darmstadt Germany

Sawiro iyo Warbiixn BUUGA Dareen Iyo Naf Barasho

Bandhigga Buugga Dareen iyo Nafbarasho ee magaalada Darmstadt, Jarmalka, wuxuu noqday mid ka mid ah munaasabadihii ugu waaweynaa ee lagu soo bandhigo buug Soomaaliyeed dalka Jarmalka.

Boqolaal qof oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan ayaa ka qayb galay munaasabadda, iyagoo si weyn u muujiyay xiisaha ay u qabaan akhriska iyo horumarinta aqoonta. Buugga ayaa goobta si weyn looga iibsatay, halka qaar badan ay hadiyad ahaan ugu iibiyeen ama ugu hibeeyeen ehelkooda iyo saaxiibbadood.

Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan martidii, jaaliyadaha Soomaaliyeed, aqoonyahannada, ganacsatada, dhalinyarada iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay guusha munaasabaddan qiimaha badan.

Dareen iyo Nafbarasho waa buug diiradda saaraya fahamka dareenka, horumarinta nafta iyo kobcinta awoodda maskaxeed iyo bulsheed waxana qoray Tahliil Olaad Hassan oo ahaa aqoonyahan kamida dhalinyarada soomaaliyeed ee dalkan ka shaqeeya,


Khadafi